Home / QORMOOYIN / Dhageyso:-Dhaliishu waa in laga Dheehdaa Wax Dhisid, lagana Dhowraa Dhiilo Dhalin iyo Dumin (Faalo)

Dhageyso:-Dhaliishu waa in laga Dheehdaa Wax Dhisid, lagana Dhowraa Dhiilo Dhalin iyo Dumin (Faalo)

Ereyga Dhaleeceen ama Dhaliil waa aragti Ruux uu ku cabbiro Fikirkiisa si madaxbanaani leh oo ka Saliim ah Ceebeyn, u gefid Shakhsi Urur ama Xukuumad taasoo Ujeedka laga leeyahay ay tahay in lagu saxo ama lagu toosiyo qaladaad dhacaya ama dhacay iyadoo la isaga digayo in lagu sii socdo qaladaadkaas.

Xuriyatul qawlka ayaa u saamaxaysa in qof waliba fikirkiisa uu u soo gudbiyo si Diimoqoraaddi ah isagoon habayaraatee aan bari taareyn ama bar tilmaameedsanay cid uu si gaarah Cadaawad ugu hayo ama xinifsiyaasadeed ay kala dhaxayso sida badanaa maanta ka jirtaDalkeena Soomaaliya oo xuriyaddii Hadalka loo dhigay sidii ay ahayd si aan ahayn loo turjantay ama loo fasirtay.

Shakhsigu xaq buu u leeyahay inuu aragtidiisa soo gudbiyo taasoo la doonayo in ay ahaato mid wax dhisaysa ama toosinaysa oo aysan noqon mid burburinaysa, khaasatan in badan oo Shacabkeena iyo Xukuumaddaba ka tirsan ay mar walba baraha bulshada soo dhigaan Fikrado ay ku mucaaradayaan Xukuumadda iyo mas’uuliyiinteeda. Waa yaabee iyagu miyaanay ka tirsanayn xukuumadda ay dhaliilayaan.

Dabacan Ruux Shacabka ah waa suurta gal in Cadaalad darro ama gabood fal lagu sameeyay darteeda inuu Fikirkiisa Mucaaradeed uu soo ban dhigo in kastoo looga baahan yahay qudheeda inuu fikirkiisa u soo ban dhigo si aan dhiilaysnayn ama wax dumin ku dhisnayn, waxaase wax lala yaabo Ruux Xukuumadda Wasiir u ah ama Xildhibaan u ah oo haddana meeshii uu ka tirsanaa Mucaaradaya isagoo xaq u leh dhaliilaha uu u hayo xukuumadda inuu hor geeyo Golaha uu ka tirsan yahay fadhiyadooda halkii uu baraha Bulshada soo dhigi lahaa fikirkiisa.

Ujeedkeygu ma aha inaan difaacayo xukuumad balse waxaan doonayaa in la ogaado qaabka wax loo dhaliilo iyadoo cid walba ay mudan karto ammaan iyo Dhaliil ha yeeshee shakhsiyaad gaarah ayaa jira oo Caddiifadi ka buuxdo in ay Dawladda u soo gudbiyaan Canbaareyn iyo Dhaliilo joogta ah iyagoo ku beer laxasanaya inta ay isku aragtida yihiin in sida wax ay u socdaan aanay sax ahayn loona go leeyahay Qabiil gaar ah ama koox gaara taasina ay tahay aragti wax duminaysa.

Xukuumaddu bacdamaa aysan ahayn mid ku dhisan Diktaatooriyad wixii qaladaad ah ee ay gasho si loo toosiyo waa in la dhaliilaa si ay dhiirimaad uga hesho, balse intaba samaan iyo xumaanba haddii uun la dhaliilo dabacan wax toosi maayaan si haddaba wax u toosaan waa in la soo qaataa dhaliil cadoo muujinaysan waxa laga tabanayo ama lagu dhaliilayo.

Dhaliishu waa in laga Dheehdaa Wax Dhisid, lagana Dhowraa Dhiilo Dhalin iyo Dumin marka aan dhinac kale ka eegno Hoggaamiya Goboleedyada oo iyaguna ka tirsan Maamulka Federaalka ayaa waxa ay soo jeediyeen Dhaliilo kuwii ugu xumaa iyagoona Dawladda Federaalka ah ugu goodiyay bayaan ay dhawaan soo saareen inaysan u dul qaadan doonin Xaaladda ka jirta Magaalada Muqdisho gaar ahaana dhinaca ammaanka iyagoo iska indha tiraya Xaaladda dhabta ah ee ka jirta Degaanada ay sheegtaan in ay ka arrimiyaan.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaan badankoda awoodin in ay gaaraan Degaanada ay ka taliyaan marka laga reebo Magaalada weyn ee ay gobolka ka joogaan dhowr iyo toban kilo mitirna aysan ka bixi Karin halka ay sheegayaan inay madax ka yihiin.

hoggaamiyo Goboleedyada oo xaalkoodu sidaa yahay ayaa haddana har iyo habeen waxa ay u taagan yihiin Dhaliilo joogto ah oo ay xukuumadda u hayaan iyadoo wax qabadkoodii oo dhan uu isugu soo biya shubtay ka hadalka wax aan Soomaali dan ugu jirin iyo abuurid Xaalad xir xirnaanshe ah.

Si kasta ha ahaatee Dalka Soomaaliya maanta waxaa uu ku jiraa Xaalad Imtixaan ah keliyana waxay u baahan tahay cid Xaaladdan ka Dabbaalin karta kuna soo dumi karta Xasilooni, Caddaalad iyo Horumar halka la isku mashquulin lahaa Dhaleeceyn iyo faro isku tag tag.

Guntii iyo gunaanadkiina Shacab Soomaaliyeed maanta ma joogo markii lagu dul gorgortami lahaa wuxuuna doonayaa Shacabku Nabad Horumar Deggenaansho iyo Midnimo kiise ay u muuqatoow inaad wax uun dhalashiisho.

waa in laga Dheehdaa Wax Dhisid, lagana Dhowraa Dhiilo Dhalin iyo Dumin Qaran

W/D Ustaad Aadan Macalim Aaaddaamo

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan