Home / QORMOOYIN / Akhriso:-Aqoontu waa il baxnimada Iyo Aayatiinka Aadanahee Yaan la Aafeen (Faalo)

Akhriso:-Aqoontu waa il baxnimada Iyo Aayatiinka Aadanahee Yaan la Aafeen (Faalo)

Aqoontu waa iftiin ama ileeys uusan aadunuhu marna nolashiisa uga maarmin Ummad welibana aqoonteeda iyo horumarkeeda ayuu ku xiran yahay dhaqaalahooda siyaasadooda iyo arimahooda ijtimaaciga.

Ummad weliba iyadoo kaashaneeysa il baxnimadeeda iyo aqoonteeda ayey bulshadeeda uhorseedaa wadaniyedd dal jaceeyl iyo ineey ka hor maraan Asaagooda taasoo saldhig u’ah tiknoolejiyada casriyadeed iyo marxalada qarnigaan 21 aad ee aduunyadu maanta mareeyso
Dalkeenan soomaaliya markaan usoo laabto nus qarnigii lasoo dhaafay aqoonta dadka soomaaliyeed waxeey aheeyda mid maalinba heer joogta inkastoo maanta la sheego in aqoonta ka jirto soomaaliya ay ka hormarsantahay tii jirtay 27 sano kahor waa wixii ka horeeyey burburka dalkee.

Balse aan isu barbar dhigo aqoontii barigaas jirtay iyo tan maanta bal in yer aan qooransado taariikhda tacliinta soomaaliyeed ee barigii xukuumadii dhexe ee soomaaliya.

Aqoonta berigaasi waxeey aheeyd taya ahaan mid aad usareeysa sababtaasina waxeey aheeyd dalka oo lahaa manhaj waxbarasho oo mideeysan sidoo kale waxaa jiray dhismayaasha dugsiyada oo tiro iyo tayo ahaan isku dheelitirnaa iyadoo laga turxaan bixiyey wax tafaraaqruq iyo kala duwanaasho ku dhisan.

Inkastoo xilgii kacaanka ka hor dalka soomaaliya ay ka jireen dugsiyo aad utiro yer hadana wixii 70kii ka biloowday aqoontu waxeey aheeyd mid kusii fideeysa gobalada iyo dagmooyinka dalka dhinaca kalana dalku wuxuu lahaa jaamacad kaliya taasoo loo yaqaanay jaamacadda ummadda soomaaliyeed oo lahed kuliyadaheeda kala duwan sida kuliyadii macalimiinta siyaasadda caafimaadka beeraha xanaanada xoolaha iyo kuliyadii ciidamada qalabka sida Kuliyadahaasi aan soo sheegay dhamaanba ardayda kasoo aflaxda waxeey ahaayeen kuwo aqoontooda ku kalsoon laguna kalsoonyahay waxaana dhici jirtay in dhowr sano waxbarashadooda kadib ay ka howl gali jireen hay’adihii maxaliga ahaa iyadoo loo qiimeenaayo shahaaddad jaamacdeed oo ay sitaan iyo aqoontooda oo is leh.

Maamulkii wasaaradii waxbarashada ee xiligaasi jiray waxuu ardayda sanad walba soo dhameeysaneeysa dugsiyada sare usameen jiray waxa looyaqaan jaangooyo lagu jaangoonayyo ardayada oo intii jaamacad ugudubta ma’ahanee intooda kale loo qoon deenjiray farsamooyin ay ku qancaan. Nasiib darose nidaamkaasi wax barasho ee dalka uu lahaa waxaa saameeyey buruburkii saameey qeeybihi kale ee dalka.

Burburkii dalkaan ka dhacay 27 sano ka Shor waxaa qeyb ka ah dhinicii aqoonta oo uu si weeyn u saameeyey in kastoo ay jireen macalimiin soomaaliyeed oo guntiga u xirtay sidii halkii ay uga sii ambo qaadi laheeyn tacliintii saamaalida hadana maantay dhinaca wax barashada waxaa la oran karaa waa mid aad u Sliidata sababtuna waxaa ay tahay iyadoo meesha ay ka maqantahyay hay’adii mideen laheyd manahajka wax barashada ee uu dalka leeyahay tasoo meesha ka saartay nidaam qorsheedkii laga rabay wasaaradda waxbarashada oo ay ceeyn wareejiyeen dallado dhowr ah oo iskooda isku magacaabay.

Dhibaatada maanta heysata dhallanyarada soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda mutacallimiinta ah waa dhibaato mudaba soo jiitameeysay si’looga gudbana aan la garaneyn waayo guri walba geed walba iyo goob kastaba waxaa lagu qoray jaamacad heblaayo ama dugsi sare hebaloow iyadoo aan loo ‘eegeynin hab juqiraafi ahaan goobta ma tahay mid u sugan goob wax barasho.

Macalimiintuse ma yihiin kuwo u tababaran nidaamka waxbarasho.

Aqoontu waa il baxnimada Iyo Aayatiinka Aadanahee Yaan la Aafeen

Markaan dhinac kale aan ka eego waa xaalada dalkeena ka jirta oo la rabo in wax badan laga bedalo maxaa yeelay ardaydaan kumnaanka kun ah ee ka soo qalin jebineeysa jaamacadaha maxaa qorshe ah oo loo hayaa oo aheyn marka ay jaamacadaha soo dhameeystaan in ay dibadaha u tahriib tagaan si ay shaqo uga raadsadaan ama in ay guriyahada iska joogaan.

Ma’ahan ujeedkeegu inaan goobaha wax barashada weerar ku’ahay balse ujeedkeygu waa inaan muujiyo dhaliisha jirta si loogu baraarugo ama wax looga qabto xaaladda wax barasho ee dalkayaga maanta ka jirta dabcan mas’uuliyada waxaa leh wasaaradaha dowladda fedaraalka soomaaliya u qaaabilsan arimaha wax barashada maxaa yeelay iyagaa ka gaabiyey iney keenaan qorshe dan u’ah ardayda iyo aqoonta
Ugu dambeeyntii maadaama dalka ay ka jiraan dugsiyo iyo jaamacado aad u fara badan hadana waxaa lagama maarmaan ah in lahelo bulsho saldhigeedu yahay aqoon il baxnimo iyo farsamo aan kula baratami karno dalalka asaageena ah ee dunida ka Jira.

Guntii iyo gabo gabadiina Aqoontu waa ilbaxnimada Iyo Aayotiinka Aadanahee Ee Yaanla Aafeen.

W/D Ustaad Aadan Macalim “Aaddaamo”