Home / WARARKA / Deg Deg:-Dagaal Xooggan oo hadda ka socda Duleedka Magaalada Gaalkacyo

Deg Deg:-Dagaal Xooggan oo hadda ka socda Duleedka Magaalada Gaalkacyo

Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Godod ee ka tirsan Gobolka Mudug,ayaa waxa ay shegayaan in Dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyaad Xoolo dhaqata ah oo ka soo kala jeeda Maamulka Puntland iyo Galmdug uu hadda ka socda Tuulooyin hoostaga Degaanka Godod sida Dadka Degaanka ay ino shegeen.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu Geystay Khasaare soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamaya,waxaana Dadkii ku dhaawacmay Dagaalka ka socda Tuulooyinka Hoosyimaada Godod la geeyay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.

Illaa hadda Ma jirto wax War ah oo ka soo baxay Maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku aadan dagaalka ka socda Waqooyiga Bari ee Gobolka Mudug,iyadoo Dagaalada Salka ku haya Aanooyinka Qabiilka ay ku soo laab laabteen Gobolka Mudug.

Wixi ku soo kala soco radiodanan.net