Home / QORMOOYIN / Dhageyso:Soomaalaay kaca , kuligiin kacoo iskaashada, kaftan dhamaaye (Warbixin)

Dhageyso:Soomaalaay kaca , kuligiin kacoo iskaashada, kaftan dhamaaye (Warbixin)

Dadka soomaaliyeed waa dad damiir wadniyeed ku caan ah , waa shacab markey ti maado dhiilo isu gurmada , dal jecel nimadana u dhinta in kastoo qabiil lakala dhaxdhigey hadana wax yaabaha qaar kood kama kaftimaan , ma ahan dad qaata gunnimo , sharaftooda qaran nimo weyku faanaan .

Marka laga soo bilaawo sanadkii 1991dii xiligaas oo aheyd markii uu dalka galey xaladii walahoowga iyo jahawareerka umada soomaaliyed ma laheyn ita jaaha, mana jirin mab da mideeya , wuuxuuna shacabka u qeeb sanaa qabiil qabiil , gobol gobol, degmo degmo , iyo tafaraaaruq siyaasadeed oo saameeyey soomaali oo dhan.

Wexey xalada ay ka sii dartey markii loo guurey nadaamka fadaraal liisamka oo noqodey mid kala qub quba dadkii soomaaliyeed oo walaalaha ahaa kasoo xeeymbo meel ku ooday iyadoo lasoo meenaayo wax loogu qiil dayey maamul gobaleed.

Xiligaas laga soo bilaabo waxuu ahaa dadku mid ku jaho wareersan siyaasada dalka kasocotay taasoo mugdi gelisay midnimadii. Karaamadii iyo sharaftii Umada soomaaliyeed. Soomaaliya soomaali baa leh marka aay timaado xaalada argagax leh waa kuwo kumideeysan kalamada ah Soomaalaaay kac kuligiin kacoo iskaashada kaftan dhamaaye.

Taasina waxaa udaliil ah dhacdadii 14kii bishaan ka dhacday magaaladaan muqdishow fal celintiii aay ka bixiyeen shacabka soomaaliyeed meel waliboo ay joogaan iyagoo muujiyey taageero hiil iyo hoo ba leh tabarruc nooc walbo leh hadeey ahaan laheeyd dhiig lagu deeq.maskax. muruq iyo moooralba.

Soomaalaaay kac kuligiin kacoo iskaashada kaftan dhamaaye. Waa xaalad maanta taagan oo loo baahanyahay muwaadin walbo oo samaaliyeed inuu guntiga dhiisha iskaga dhigo si looga gudbo musiibadii ka dhacday muqdisho maalmo ka hor iyadoo aan filaayo in dadka soomaaliyeed oo leh kal Adeeg iyo karti aay dheeriyihiin dadka mandaqadaan ku dhaqan ineey dhacda daasi ka qaadi doonaan isku duubni. Midnimo. Iyo wadajir
Intaas markii aan ka gudubno waxaa xusid mudan tageerada dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalada sool.nugaal.mudug hiiraan shabeelada dhexe jubada hoose. Iyo shabeelada hoose btaageeradii ay muujiyeen markii aay balaayadu dhacday sidoo kale waxaan la’ilaabi Karin bulshada muqdisha oo har iyo habeen utaagnaa taageerida xoogagii ku hoowlnaa samata bixinta dadkii ku waxyeeloobay musiibadasasi Aan kor kusoo sheegnay.

Soomaalaaay kac kuligiin kacoo iskaashada kaftan dhamaaye.waa dhacdo Aan ka baranay waxyaabo badan dibna noo xasuusisay markii wadiniyiinta soomaaliyeed ay ku halqabsan jireen Ariyooyinka Aay ka midyihiin Axyaa Wadani.Wixii dhiig lahoow kaca hadeey toban tahay iyo hadeey taagan tahayba waa tolleeyoow looma kala tagin iyo qaar kaloo badan.

Waxaa kaloo mahd mudan dowladaha Saaxiibka nahay Oo tan iyo musiibada ay dhacday dalka usoo daabulaayey deeqo daawo ah kana daad gureenaayey dadku dhibaatadu ay ku dhacday ee dalka gudihiisa wax looga qaban waayey anigoo ka xusaayo dalalkaasi Turkiga Jabuuti mareekanka keenya Qadar iyo Suudaan.

Ugu dambeentii shacabka soomaaliyeedoow Waa idinkulayaqaanaa Firfir coonida Wadaniyada Iyo Iskaashiga Aanse Idinku Dhaafo.

Soomaalaaay kac kuligiin kacoo iskaashada kaftan dhamaaye.

W/D/Ustaad Aadan Macalin Cabdullaahi Aadaamoow.

Hoos ka Dhageyso Warbixin

Riix Halkan