Dhageyso:Maxkamadda ku taala Dalka Gariiga oo Codsatay in Cadaaladda la horkeeno Dad Dambiyo Culus galay

0

Booliska gobolka Rhodes ee Waqooyiga dalka Giriiga ayaa xiray laba muwaadiniin oo reer Bulgarian ah oo lagu helay dambi ah in ay Tahriibinayeen 54 Muhaajiriin sharci darro ah, sidaa daraadedna Xabsiga la dhigay Labadaas shaqsi iyo shabakadihii la sheqayn jiray
Sida Dadka tira ahaan lagu shegay 54 e Muhaajiriinta ah 52 ka mid ah waa Soomaali oo qayb ka ahaa Tahribayaasha Maraya Gariiga si ay u gaaraan wadama Talaayinga iyo Kuwa kale ee Yurub Xuduudana la wadaaga Gariiga.

Labada nin oo Da’doodu tahay 38 iyo 36 ayaa lagu soo eedeeyay dambiyo ah in si sharci daro ay u Tahriibin jireen dadka, kadibna ay ka qaadan jireen lacago cadadooda ay badan tahay.

Booliska sidoo kale intii ay ku guda jireen howlgalkii raggan lagu soo qabanayay waxay kaloo gacanta ku sii dhigeen laba baabuur, 100 EURO oo lacag ah iyo Shan Telefoon oo gacanta ah.

Xeer ilaaliye ka tirsan Maxkamadda gobolka Rhodes ayaa codsaday in si deg deg ah raggan Maxkamad loo soo taago, si loogu qaado dambigii ay galeen, ciqaabtoodana ay u arkaan. Sannadkan horraantiisa laba tuhmane, oo sidoo kale ka yimid Bulgaria, ayaa lagu xiray isla gobolkaas, kadib markii lagu helay dambiga ah ka ganacsiga dadka,markaas oo la qabtay 14 Tahriibayaal ah.

Si kastaba waxa la shaaciyay in maalmaha naso aadan laso taagi doono Maxkamd si logu xuko dambiayada lagu so eedeyay.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan

NO COMMENTS