Audio Warar Wararka

Dhageyso:Dhacdo Naxdin leh oo Caawa ka dhacday Degmada Dharkenley ee G/Banaadir

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa caawa lagu dhaawacay Muqdisho xilli lagu guda jiray Arooskiisa ciidamo katirsan Dowlada oo baaritaano waday ayaa isku dayay in ay baaraan gawaarida arooska hayeeshee ciidamadii la socday gawaaridii arooska galbinayay ayaa ka dhega adeegay taas oo keentay in is rasaaseyn ay dhex marto labada dhinac waxaana ku geeriyooday hal qof halka Arooskii iyo Ruux kalena uu dhaawac soo gaaray.

Mid ka mid ah Darawadii la socday Sarkaalka oo la hadlay Danan ayaa sheegay in Aoroska Sarkaalka ay u wadeen Degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho,islamarkaana Xili ay marayeen Xaafada Xoosh,ee Degmada Dharkenley ay la Kulmeen Ciidamo ka tirsan Dowlada oo Baaritaano ku guda jiray,islamarkaana Ciidamada Rasaas fureen Gaariga uu saarna Sarkaalka Arooska ahaa sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Waxa uuna sheegay in Sarkaalka dhaawacmay lagu Magacaabo Faarax Xasan,waxana uuna tilmaamay in aysan jirin wax muran ah oo dhexmaray Ciidamada la socday iyo Sarkaalka dhaawacmay iyo Ciidamada kale ee Baaritaanka ku guda jiray,waxa uuna Hoosta ka xariiqay in Sarkaalka iyo Askariga dhawacmay loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku Yaala Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com