Warar Wararka

Deg Deg:Wasiirka Gaashaandhigga Dowada Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka oo Iscasilay

War Goordha wina soo gaaraya ayaa waxa uu sheegaya in Wasiirkii Gaashaandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya,iyo Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka ee Gen. Cirfiid ayaa is casilay, kadib kulankii Maanta Golaha Wasiirada oo ay ku yeesheen Muqdisho, kaasi oo goor dhow soo gaba gaboobay.

Gen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa booskiisa loo magacaabay Gen. C/wali Jaamac Xuseen Gorod
Taliyaha cusub ee loo magacaabay xilka ayaa sidoo kale waxaa uu horay u soo noqday Wasiirka Dekedaha ka noqday Dowladdii TNG-da ee uu Hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow,ayaa Warfidiyeenada u sheegay labadan masuul in ay isku casileen Arrimo shaqsiyadeed,sida uu hadalka u dhigay.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com