Audio Warar Wararka

Dhageyso:Faah Faahin:-laga bixiyay Qarax Khasaaro geystay ka dhacay Duleedka Magaalada Baladweyne

In ka badan 7 ka tirsan Dagaalyahanada Kooxda Als-shabaab ayaa ku Geeriyooday ka dib markii Gaari ay la socdeen uu kula qarxay Degaan 40 KM Galbeed ka xiga Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,sida Dadka Degaanka ay ino shegeen.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowlada oo lagu Magacaabo Koranel Cumar Cabdulle oo la hadlay Danan ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhacay Degaan la yiraahdo Dur-dur oo 40 Km u Jira Magaalada Baladweyne,islamarkaana waxa uu tilmaamay in Gaariga Qarxay uu aha Gaari NOAH oo ay wateen Al-shabaab,waxa uuna hoosta ka xariiqay in Qaraxa uu Saarna Gaariga ay la socdeen Raga ka tirsan Al-Shabaab.

Dhanka kale waxa uu Koranelka uu tibaaxay in Degaanka uu qaraxa uu ka dhacay ay Maamulaan Al-Shabaab,islamarkaana Raga ka tirsan Al-Shabaab ee qaraxaas ku Geeriyooday ay hayeen Dhalinyaro aad u da”yar oo dhawaan ay soo sareen Tababar sida ay Wararka ku heleen,
waxa uuna Carabka ku dhuftay in aysan ku jirin Saraakil sare oo ka tirsan Al-Shabaab,oo qaraxas ku dhintay sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka Dhagesyo

Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com