Warar Wararka

Degmada Xudur oo Maanta Doorasho ay ka dhaceyso

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,ayaa waxa ay ku soo waramayaan in Maanta halkaas ay ka dhaceyso Doorashada Maamulka iyo kan Golaha Degaanka ee Degmada Xudur,waxana la sheegay in Doorashada ay Codkooda ka dhiibanayaan Bulshada ku dhaqan Degmada Xudur,kuwaas la tilmaamay in ay Dooranayan Xubaha ay u arkaan in ay Hogaaminkaraan Bulshada ku dhaqan Degmada Xudur.

Dhanka kale Wararka anu halkaas ka helanay ayaa waxa ay tilmaamay in Doorashada ay ka qeybgalayan Mas”uuliyiin ka tirsan Maamulka Konfur Galbeed,iyo sidoo kale Xubno ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowlada Soomaaliya.

Amaanka Magaalada Xudur ayaa Maanta si aad loo adkeeyay iyadoo dhammaan Wadooyinka qaar ee Degmada Xudur gala iyo kuwa ka soo baxa ay Xireen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamulka Konfur Galbeed.

Si kastaba ha aahte lama oga Cida ka soo bixi doonto Doorashada Maanta ka dhaceyso Degmada Xudur ee lagu dooranayo Maamulka Degmada iyo kan Golaha Degaanka ,iyadoo ay Xusid mudan tahay in bilihii la soo dhaafay uu Maamulka Konfur Galbeed uu waday dhismaha iyo Xoojinta Degaanada iyo Degmooyinka uu ka arrimiyo Maamulka Konfur Galbeed.

wixi ku soo kordho kala soco radiodanan.net

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com