Warar Dheraad ah oo ka soo baxaya Dagaal ka dhacay Degaan ka tirsan G/Shabeelaha Dhexe

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa Waxa ay Saakay Weerar Xoogan ay qadeen Fariisin Ciidamada Dowlada ay ku lahayeen Degaan u dhaw Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa sida la sheegay socday Muddo Sacaad ku dhaw waxana Dadka Degaanka ay inoo shegeen in Dagaalka uu si Gaar ah uu ugu dhacay Wadada Xiriirsa Degmada Balcad iyo Degmada Afgooye,gaar ahaan Wadada loo yaqaan Basra, Dhanka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kooxda Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Barta Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegteen in Dagaalka Saakay ay ku qadeen Fariisin Ciidamada Dowlada ay lee yihiin Degaan u dhaw Degmada Balcad ay ku dileen ilaa iyo 6 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowlada,sidoo kale ay ku qabsadeen Hub iyo Saanad Milatari oo Ciidanka Dowlada ay la lahayeen.

Wali kama aysan hadlin Saarkisha Ciidanka Dowlada iyo Mas”uuliyinta Degmada Balcad Weerarka Kooxda A-shabaab ay ku qadeen Fariisinta Ciidanka Dowlada ay halkaas ku lahayeen.

NO COMMENTS