Warar Wararka

USA:- Askari cadaan ah oo loo haysto jirdil uu u geystay wiil Soomaali ah

RADIO DANAN:- Sida ay qorayaan Warbaahinada dalka Mareykanka Maxkamad ku taalla magaalada Minneapoles ee dalka Mareykanka ayaa dambi ku heshay Askari cadaan ahaa kaasi oo la sheegay in la helay cadeymo ah asga oo jirdil la xiriira u geystay Wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Cusmaan.

30-kii May ee sanadkii hore gabar Soomaaliyeed ayaa Booliska waxa ay uga dacwootay Maxamed Cusmaan oo ay sheegtay in uu u gacan qaaday.

Askari Boolis ah ee falkaasi geystay ayaa lagu magagaacbo Cristover River oo 36 sano jir ah ayaa Maxamed Cusmaan oo jilbaha ay dhulka u yaallaan ugeystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin inuu darbeeyay, kadib Maxamed ayaa iska baday xaaladii hore Ee uu ku sugnaa Waxaana la sheegay inuu guud ahaan miir belay.

Askarigii ayaa shaqada laga fariisiyay, waxaana la daawaday muuqaal ay duubtay Camerada qarsoon, shalay oo aheyd Talaado ayay Maxkamaddu sheegtay in Askarigan uu qalad galay, dambina lagu helay.

Xeer ilaaliye ka tirsan Maxkamadda Minneapoles ayaa codsaday in ninkan xabsi loo taxaabo, waxa ayna xeer ilaalinta ay xusatay in laga qaadi doono talaabo adag askarigaasi lagu helay falkaasi.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com