Warar Wararka

Dowladda Turkiga oo Xabsiga dhigtay rag katirsanaa Daacish

RADIO DANAN:- Ciidamada ammaanka dalka Turkiga ayaa xabsiga u taxaabay 6 rag ah oo la sheegay in ay katirsanaayeen kooxda Mintidiinta ee Daacish.

Ragga la qabtay ayaa la sheegay in at 5 kamid ah yihiin Turkish halka midka kale la sheegay in uu ka soo jeedo dalkaasi Ciraaq sida ciidamada booliiska ay u sheegeen TV-ga Al-jazeera.

Raggan ayaa la qabtay waqooyiga dalkaasi waxaana marka la qabanayay la sheegay in at ku howlanaayeen falal lidi ku ah ammaanka dalkaasi Turkiga.

Sidan oo kale Sabtidii tagtay ciidamada Ammaanka ayaa xabsiga u taxaabay 4 kale oo iyaguna la sheegay in ay xiriir la leeyihiin mintidiinta Daacish.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com