Audio Warar Wararka

Dhageyso:Dhibaato Xoogan oo soo wajahday Darawalada Wadada Gadiidka Xamuulka qaada

Darawalada Wadada Gadiidka Xamaaulka qaada ee ka dhexshaqeeya Gobolada Dalka ay dhibaato Xoogan waxa ay ku qabaan Kooxo Hubeysan oo Mararka qaar Jidgooyin dhigta Wadooyinka isku xira Gobolada Dalka,kuwaas oo dhibaato u geysta Rakaabka Saaran Gaariga,iyo waliba Darawalada Wadada Gawaradaasi,iyadoo ay ka qataan Agabkii ay wateen Rakaabka Gaariga saran.

Mid ka mid ah Darawalada Gadiidka Xamuulka qaada oo la hadlay Danan ayaa sheegay in ilaa iyo 4 Bari ay ku Xaniban yihiin Konfurta Gaalkacyo,halkaas uu sheegay in ay ku heystaan Ciidamada Maamulka Galmudug,kadib Markii uu tilmaamay in ay ku siyaadiyeen Lacagtii horay ay uGu qaadi jiraan oo aheyd 350 Doollar,islamarkaana Markii ay ku wargiliyeen in aysan awoodin halkaas lagu Xayiray.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ilaa iyo 80 Gaari oo ka mid ah kuwa ka dhexshaqeeyn jiray Magaalada Baladweyne iyo Magaalada Boosaaso ee halkaas ku xayiran yihiin,islamarkaana Gawaaridaas intooda badan ay yihiin kuwa qaada Xoolaha,waxa uuna Carabka ku dhuftay in Dowlada Dhexe iyo Dowlad Goboledka Galmudug ay ka codsanayaan in arintaan ay wax ka qabataan.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com