Audio Warar Wararka

Dhageyso:Shil Khasaaro Xoogan oo Geystay oo ka dhacay M/Muqdisho

Wararka anu ka helyno Xaafadda Daaru-salaam ayaa waxa ay shegayaan in Halkaasi Gaari ka mid ah kuwa Caanaha Qaada uu ku Rogmaday Halkaasi sida Dadka Degaanka ay ino shegeen.

Goob Jooge ka mid ah Dadka Degaanka oo la hadlay Danan ayaa sheegay in 7 Ruux oo ka mid aheyd Dadkii la socday Gaariga Caanaha siday ee Rogmaday ay dhaawacmeen,waxana uuna tilmaamay in Shilka Gaariga uu yimid ka gadaal Markii Gaariga Caanaha sida uu ka horyimid Gaari kale oo ah kuwa Carada qaada,islamarkaana Gaariga Rogmaday uu isku dayay in uu Xawaaro ku dhaafo,laakin uu Rogmaday.

Dhanka kale Goob Jogaaha ayaa hoosta ka xariiqay in Dadka ku dhaawacmay Shilkaas loo qaaday Isbitaalka Kesaney,waxana uu Tilmaamay in Dadka Shilkaas ku dhawacmay intooda badan ay Lafaha ay ka burbureen.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com