Warar Wararka

Ganacsade Caan ah oo lagu Xiray Magaalada Cadaado

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug,ayaa waxa ay shegayaan in Ciidamada Nabad- Sugida Maamulka Galmudug,ay Maanta Gilinkii Dambe ay Xabsiga u taxabeen Ganacsade lagu Magacaabo Liibaan Shuluq oo ka mid ah Ganacsatada Galmudug.

Dhanka kale Wararka qaar ee aan halkas ka helnay ayaa waxa ay shegayaan in Ganacsadaha la xiray uu ka mid ah ahaa Dadkii ka qeyb qaatay ololihii ay xildhibaanada qaar xilka uga qaadeen  Axmed Ducaale Geelle Xaaf, islamarkaana uu lacag farabadan ku bixiyay,sida aan Wararka aan ku helnay.

Sidoo kale Ciidamada Nabad-Sugida Galmudug ayaa waxa haatan Gacanta ku hayaan Ganacsade Liibaan Shuluq oo ka mid ah Dadka Awooda Ganacsi ku leh Deegaanada Maamulka Galmudug,waxana Xusid mudan in ilaa iyo hada in aysan jirin Mas”uul ka tirsan Maamulka Galmudug,oo ka hadlay Arintaan.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com