Warar Wararka

Qaramada Midoobay oo Cambaareysay Hawlgalka uu Mareykanku kawado dalka Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaaraysay islamarkaana eedayn u jeedisay howgalka ay ciidamada Dowladda Mareykanka ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya kaas oo lagula dagaalamayo dhaqdhaqaaqa Al Shabaab.

Antonio Gutters oo ah , Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxuu sheegay in dad badan oo shacab ah oo ay u badan yihiin carruur ay ku dhinteen Weerarada ay ciidamada Mareykanku ay ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud QM Antonio Gutters ayaa tibaaxay in boqolaal caruur ah ay ku dhinteen Weeraro ay siyaabo kala duwan u fuliyeen Ciidamada Dowladda fedralka Soomaaliya, AMISOM iyo kuwa dowladda Mareykanka.

Warqoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Xoghaye guud ee Qaramada Midoobay Gutters ayaa lagu xusay in 200 oo Caruur ah ay ku nafwaayeen howlgallada looga soo horjeedo dhaqdhaqaaqa Al Shabaab oo ay fuliyeen Ciidamada wada jira ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo garab ka helaya Kuwa dowladda Mareykanka.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in Xarakada Alshabab ay iyaguna masuul kayihiin wax yeellada soo gaartay Carruurta Soomaaliyeed.

Ciidamada Maraykanka oo garabsiinaya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sii kordhiyay hawlgallada ka dhanka ah Dhanka ah Xarakada Alshabab kaas oo ay kawadaan gudaha Koonfarta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com