Warar Wararka

Xildhibaanada oo Guddi gaar ah u saaray Arinta Qalbi Dhagax

Xildhibaanada Baarlamaaka Soomaaliya ayaa Maanta Dood adag ka yeeshay Ajanadihii ahaa Kiishka Qalbi dhagax oo ay Dowlada Soomaaliya uGu Wareejisay Dowlada Ittobiya.

Dood badan kadib ayaa Xildhibaanada waxa ay isku raceen in Guddi gaar ah loo saaro Khiiska Qalbi dhagax,iyagoona Xildhibaano qaar ay arintas Dowlada ku shegeen in ay ahyed mid Sharciga ka soo horjeeda.

Dhanka kale Xildhibaano kale ayaa waxa ay tagereen Talabadii ay qaday Xukuumadda Soomaaliya waxa ayna ku shegeen mid sax ah oo loo bahnaa.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa sheegay in Guddi loo saaray Kiiska Qalbi dhagax,waxana uuna Guddoonka hoosta ka xariiqay in Guddiga arintaas loo xilsaaray ay soo turxaan bixin doona arinta Qalbi dhagax sida uu Xaqiijiyay Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil