Warar Wararka

Wafdi ka socday Hay’adda UNHCR oo booqday qaxooti Soomaali ah

Wafdi ka socday Hay’adda UNHCR ayaa  gaaray Xerada qaxootiga Al-kharaz oo ay ku jiraan qaxooti farabadan oo Somaali ah.

Qaxootiga ku nool xeradaasi Al-kharaz ayaa wafdigaasi kala hortagay mudaharaad ay ku dalbanayaan in laga gacan siiyo sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dadkooda.

Sidoo kale Qaxootiga ku nool Xeradaan waxaay sameeyeen mudaharaad ay ku dalbanayeen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii dib loogu celin lahaa dalkooda hooyo, maaddaama muddo shan bilood ah aysan wax jawaab ah helin.

Dhanka kale kale qaxootiga ayaa dalbanayay adeegyada aas’aasiga ah iyo xuquuqdoodii Qaxootinnimo oo aysan helin muddo dheer.

Qaxootiga ku nool xeradaasi Al Kharaz ayaa waxaa soo wajahay durufo adag oo dhinaca nolosha ah, iyagoo an an helin wax kaalmo ah oo ay ku maareeyaan noloshooda

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil