Warar Wararka

Mid kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo Xilka laga Xayuubiyay

Wararka inaga soo gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboledka Puntland ayaa waxa ay ku soo waramayaan in Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku Xigeenka Puntland,ENG C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey,Xilka looga qaaday Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Puntland ahna u qaabilsana Xirirka Gobollada Bashiir C/Raxmaan Xaaji Gurxan.

Wararka qaar ee aan ka helay Ilo ka agdhaw Xarunta Madaxtooyada Puntland,ayaa waxa ay shegayaan in Wasiirka lagu edeeyay in uu ka been abuuray in Maamulka Puntland uu Tageeray Go,aankii Xukuumadda Soomaaliya ay ka soo saartay dhibsitii Qalbi Dhgax loogu dhibay Dowlada Itoobiya.

Wararka kale anu helay ayaa waxa tilmaamayaan in Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Puntland,uu baryahanba ku sugan yahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil