Warar Wararka

Dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta Hir-Shabeelle oo Goordhaw bilaawday

Magaalada Jowhar ee Xarunta KMG ah ee Maamul Goboledka Hir-shabeelle ayaa goordhaw waxa halkaas bilaawday Dhageysiga Khudbadaha ay jeediyaan Musharaxiinta u tartamaya Madaxtinimada Hir-shabeelle,oo ku aadan Aqoontooda,Waxqabadkooda ,iyo sidoo kale Tariikh Noleedkooda.

waxana Musharaxiinta ay bilaabeen in ay ka hadlaan waxyabaha ay kaga duwanaan donaan Madaxdii Xilka laga qaaday,marka Xilka loo doorto.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Khudbadii uGu horeeysay uu halkaas ka jeediyay Musharax Cabdi Faarax Sharaawe,asigoona ka hadlay waxyaba uu qaban doono Haddi Xilka loo doorto.

Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada Hir-Shabeelle ayaa waxa ay kala yihiib.

Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo.

Cabdikariin Cali Nuur.

Daahir Cabdulle.

Maxamed Cabdi Waare.

Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed).

Cabdinaasir Shirwac Maxamed.

Maxamed Caruush Diirow iyo

Cabdiraxmaan Xuseen Caddow

Amaanka Magaalada Jowhar ayaa si aad loo adkeeyay waxana Magaalada ka socda Qaban qaabo ku aadan Doorashada Madaxtinimada Maamulka Hir-Shabeelle.

wixi ku soo kordho kala soco radiodanan.net

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil