Warar Wararka

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Kulan Xasaasi ah Yeelan Doona

Waxaa Maanta Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ay yeelan donaan kulan xasaasi ah kaas oo ay uga doodi donaan qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii Sarkaalkii ka tirsanaa ONLF ee bishii hore Dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.

Kulankii Sabtidii la soo dhaafay ayaa kooram la’aan u baaqday, waxaana kulanka maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in kooramka uu u dhameystirmo, maadaama Xildhibaano badan ay dalka dib ugu soo laabteen.

Arrintan oo ka dhalatay xiisad siyaasadeed iyo dood kulul ayaa hareysay hey’adaha kala duwan ee dowladda, iyadoo Xildhibaanada golaha shacabka ay ku kala qeybsan yihiin go’aanka Xukuumadda qaadatay 6-dii bishan, waxaana ay isugu jiraan kuwo diidan iyo kuwa taageersan.

Wararka qaar anu helay ayaa waxa ay sheegayaan in Guddoonka Baarlamaanka ay intooda badan kulankooda maanta intiisa badan ay ka doodi donaan arinta Xukuumadda ay Qalbi Dhagax ay ugu dhiibtay Dowlada Itoobiya, waxaana is qori doono Xildhibaanada labada dhinac ee Kiiskan ku kala qeybsan,sida uu inoo xaqiijiyay Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil