Audio Warar Wararka

Dhageyso:Tiro Musharaxiin ah oo Maanta Khudbado looga dhageysan doono M/Jowhar

Sida idaacada Danan uu uxaqiijiyay Xildhibaan C/raxmaan Cabdi iidoow oo ka tirsan Baarlamanka M/mulka hir-Shabeelle Waxaa maanta magaalada Jowhar Ee xaruunta Ku meelgaarka M/mulkaasi Khudbado looga dhageysan doonaa tiro ka mid ah Musharixiinta utaagan xilka hogaanka Maamulkaas.

Waxa uuna xildhibaanka sheegay in si weyn loo adkeeyay amanka Magaalada jowhar waxaana goobta qudbad jeedinta ay ka dhaceyso iyo xaafadaha jowhar la dhigay ciidamo badan si loo xaqiijiyo amniga musharixiinta iyo goobta ay ku kulmayaan xildhibaanada iyo tirade musharixiinta ah ee qudbad jeedinta ku qoran.

Dhinaca kale xildhibaan C/raxmaan Cabdi iidoow ayaa ugu baaqay baarlamaanka maamulka hir-shabeelle inay ka fiirsadaan cida ay ku aaminayaan masiirka hir-shabeele asaga oo kula taliyay inay codadkooda siiyaan shaqsi samata bixinka shacabka ku dhaqan deegaanada Maamulkaasi.

Si kastaba maalinta sabtida oo ay tr 16-09-2017 ayaa lagu wadaa in magaalada jowhar lagu qabto doorashada xilka hogaanka maamulkaasi oo ay utaaganyihiin musharixiiin badan oo qaarkood la aaminsanyahayn inaysan galangal sidaasi ubuuran ku laheyn siyaasada somaliya .

Hoos ka Dhageyso
Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil