Warar Wararka

Dowlada Qadar oo Casumaad gaar ah u fidisay Madaxweyne Farmaajo

Dowlada Qadar ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, ku casuuntay shir gaar ah oo la filayo in bishan uu ka dhaco magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Sii hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa labo casuumadood soo kala gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibadda.

Shirkan lagu casuumay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah shir gaar ah oo soo qaban qaabisay dowlada Qadar oo ka dhinac furmaya shir sanadeedka guud ee Qaramada Midoobey oo bishan ka dhacaya Magaalada New York.

Dhanka kale wararka qaar anu helay ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga yaba in uu ka qeyb gaiwaayo Shir sanadeedka guud ee Qaramada Midoobay, waaana suurto gal ah in safarkaasi uu Madaxweynaha ka baaqdo una diro Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ugu dambeyn Dowlada Soomaaliya ayaa go’aan dhax dhaxaad ah ay ugu hiilisay dowlada Qadar ka qaadatay xayiraadii Wadamada Khaliijka at ku soo rogeen Dowlada Qadar oo xiligaasi lagu eedeeyay taageerada waxa loogu yeero argagaxisada.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil