Ciidamada Booliska Puntland oo Gacanta ku dhigay Nin in Muda ah ay ku raadjogeen

0
1

Wararka anu ka heleyno Degaanada Maamul Goboledka Puntaland ayaa waxa ay ku soo waramayaan in Ciidamada Booliska Puntland ay qabteen Askari Ilaala u ahaa mid ka mid ah Wasiiradii Xilka laga qaaday kaas oo sida la sheegay la fakaday Qorigii uu watay.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa la tilmaamay in Askarigan ay in muda ah raadinayeen,Laakin sida la sheegay ay ka soo qabteen Magaalada Qandho,kadib Markii ay Ciidamada ay soo wargilsay Hooyadii Dhashay Askariga Fakaday.

Saraakisha Ciidamada Booliska Puntland ayaa waxa ay shegeen in Sawirkiisa ay dhigeen Kontaroolada looga baxo Magaaloyinka Puntland,waxana Xusid mudan in Ciidamada ay Gaari walba ay barayeen,waxana u suura gashay in ay ka soo qabteen Magaalada Qandho ee Xarunta Gobolka Kar-kaar ee Degaanada Puntland.

Dhawaan ayey markii Ciidamada Booliska Puntland ay soo qabteen 6 qof oo iskugu Jira Rag iyo Dumar oo faraha kula jiray Xashiish iyo Maandooriye ,islamarkaana Maxkamada la horgeeyay laguna riday Xukun.

NO COMMENTS