Audio Warar Wararka

Dhageyso:Tiro Caruur ah oo Gaajo iyo Haraad ugu Geeriyooday Degmo ka tirsan G/Gagaduud

Wararka anu ka heleyno Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud,ayaa waxa ay ku soo waramayaan in 4 qof oo Caruur ah ay Gaajo iyo Haraad ah ugu geeriyoodeen Tuulo hoostaga Degmada Caabdudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Cali Maxamed Nuur oo la hadlay Danan ayaa sheegay in 4 Caruur ay Gaajo iyo Haraad ay ku Geeriyoodeen Tuulo hoostagta Degmada Caabudwaaq ka dib markii ay waayeen gar gaari ay u baahnayeen,waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay wali Dad kale oo dhibaateysan ee halkas ay ku sugan yihiin kuwaas oo sida uu sheegay u baahan gar gaar Bani’adanimo sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Gudoomiye ku Xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in marmar badan ay warbaahinta ay ka sheegen in xaalad adag ay ka taagan tahay Degaanada Hoostaga Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud,waxa uuna tibaaxay in ilaa iyo hada aysan ka hadlin Maamulka Galmudug iyo Dowlada Dhexe.

Gudoomiye ku Xigeenka ayaa Hey’addaha Sama-falka ee ka Howlgala Dalka ugu baaqayo in ay gargaar ay la soo garaan Shacabka ku dhaqan Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil