Warar Wararka

KENYA:- Xildhibaanada Soomaalida oo la dhaariyay iyo codsi loo diray

RADIO DANAN:- Waxa maanta gudaha dalkaasi Kenya lagu dhaariyay xildhibaanada baarlamaanka dalkaasi Kenya oo ay ku jiraan tiro xidhibaano ah oo kasoo gala dhulka ay soomaalidu ka degto dalkaasi Kenya.

Shacabka Soomaalida ee ku nool dalkaasi Kenya gaar ahaan Countiga wajeer iyo Magaalada Gaarisa ayaa ka codsaday xildhibaanada Matalaa in ay si daacad ah ugu adeegaan islamarkaana ay la imaadaan isbedel dhab ah.

Xildhibaanada waqtigan umatalaya soomaalida degta dalkaasi Kenya ayaa dhamaantood ah kuwo cusub waxaana jiron xildhibaan ka tirsanaa kuwii hore oo dib usoo noqday.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil