Warar Wararka

XOG:- Ethiopia oo ka wal walsan kulankii Farmaajo iyo C/Fitaax CC

RADIO DANAN:- Xog hoose oo ay heshay Idaacadda Danan ayaa waxa ay ogaatay in xukuumadda Addis Abeba ay si weyn uga wal walsantahay kulankii ay yeesheen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar.

Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in Ethiopia ay cabsi ka qabto in labada dal ay si hoose uga wada hadleen in Masar ay saldhig militari ka furato Soomaaliya taas oo baqdin ku beereysa xukuumadda Addis maadaama ay xurguf siyaasadeed ka dhaxayso dowladaha Ethiopia oyo Masar.

Dowladda Ethiopia oo waji dabacsan u muujinaysa diwladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa badashay siyaasadeedii ay kula dhaqmi jirtay Soomaaliya waxaana madaxweynaha cusub ay laba mar u fidisay casuumaad ay ku kasbanayso.

Dhigiisa madaxweyne Cabdi Fitaax Cc ayaa casuumay madaxweyne Farmaajo waxaana ay kawada hadleen arimo badan oo la rumeysan yahay in saxaafada laga qariyay.

Ethiopia ayaa kulankii laada Madaxweyne kadib xiriiro laso sameysay madaxweyne Farmaajo waxayna weli ka wal walsantahay in is afgarad wanaagsan uu dhexmaro labada Madaxweyne.

Ethiopia oo cabsi ka qabta in ay Masar saldhig militari ka furato Soomaaliya ayaa waxa ay bedeshay siyaasadeeda iyo ladhaqankeeda geeska Africa.

Masar oo aan waji wanaagsan kala dhaxeynin Ethiopia islamarkaana ay xiisad ka dhex taagantahay ahaa waxa ay horey saldhig militari uga furatay dalka Eritarea oo ay cadowtooyo ka dhaxeyso Ethiopia.

Labadan dal ee Masar iyo Ethiopia ayaa kamid ah sadexda dal ee ugu quwada sareysa dhanka Militariga Africa.

Lama oga halka ay ku danbeyn doonto is jiid jiidka ay dowladda Soomaaliya ka wadaan labadan dal.

W/Q: Alifoow Yare

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil