Sports Warar Wararka

Degmada Dharkenleey oo laga cirib tiray koobkii degmooyinka

RADIO DANAN:- Ciyaaar xiisa badnayd oo dhexmartay degmooyinka Kaaraan iyo Dharkenleey oo katirsanayd wareegga 8 aad ee tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacday garoonka Koonis ee Magaalada muqdisho.

Ciyaartan ayaa ahayd mid aad u adag waxaana labada degmo ay soo bandhigeen kubad ay u riyaaqaan taageerayaashii soo xaadiray garoonka.

Degmada Kaaraan oo lays dhihi karo waxa ay ku cayaaraysay gurigeeda ayaa haysatay taageerayaashii ugu badnaa ee garoonka waxayna u sacab tumayeen degmadooda.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay dar dar xoogan waxaana layska dhalin waaya wax gool ah qeybtii hore ee ciyaarta.

Markii dib layskugu soo laabtay degmada Kaaraan ayaa latimid goola deg deg ah waxaana garoonka isqabsaday sawaxan iyo dabaal deg ay wadeen taageerayaashooda.

Wixii intaa ka danbeeyay ciyaaryahanada degmada Dharkenleey ayaa bilaabay weerar dhan walba ah qal qal badan kadib waxay ugu danbeytii heleen goolka bareejada inkastoo gool laga diiday degmada dharkenley hadana waxa ay la imaadeen kii bareejada.

1 iyo 1 ayaa laysku dhaafi waayay ciyaarta waxaana laysla aaday rigoorayaal tuurashadii rigoorayaasha waxaa 4 iyo 3 guusha ku gaartay degmada kaaraan oo u gudubtay afar dhamaadka koobka degmooyinka gobolka Banaadir halka degmada Daharkenleey koobka laga cirib tiray.

W/Q: Alifoow Yare.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil