MUQDISHO:- Mashquul balaaran oo laga dareemayo Suuqyada

0
1

RADIO DANAN:- waxa diyaar garoow aad u balaaran ayaa laga dareemayaa suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho oo ku aadan Munaasabadda ciida.

Berri ayay ku beegantahay maalinka koowaad ee ciidul adxa waxaana shacabka reer Muqdisho ay si weyn ugu jiraan diyaar garow aad u balaaran.

Goobaha lagu iibiyo xoolaha, dharka iyo Macmacaanka ayaa ah meelaha ugu badan ee mashquulka balaaran uu kajiro.

Suuqa weyn ee bakaaraha, suuqa xamar weyne iyo suuqyada madiina iyo boocle ayaa ah meelaha ugu badan ee mashquulka xoogan uu ka jiro.

Muqdisho ayaa waxa ku nool dad wada haysta diin qura oo ah Dinta Islaamka waana Magaalooyinka ugu badan ee sida weyn loogu ciido dunida.

NO COMMENTS