programs Qormooyin Wararka

Dhagayso: Idaacadda Danan Oo Wareysi Gaar ah La Yeelatay Abwaan/Wariye C/risaaq Bulqaas

Radio Danan ayaa wareysi gaar ah la yeelatay abwaanka dhawaantan soo caan baxay ee C/risaaq bulqaas oo ku sugan Dalka Sweden isaga oo marti ku ahaa barnaamijka Caweyska Dayaxa gaar ahaan xubintiisa xiisaha badan ee Maadeeys ee baxa Habeenimada Arbacada.

Abwaan C/risaaq bulqaas oo kamida Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Caanka ah ayaa waxaa si gaar ah u wareystay Wariyaheena Maxamed Deeq Barre Xaaji Cumar (Fiyoore)   isaga oo uga waramay abwaanka heeso farabadan oo uu sameeyay aadna looga daba dhacay  sida Heesta Xor baan ahay ee ay ku luqeyso fananada Deeqa Afro, heesta iska eeg Gawaarida iyo jawaabteeda iska eeg Bajaajyada ee ay kala qaadaan fanaaniinta Ilka case, Qeys iyo Nadar, sidoo kale heesta caanka ah ee Saaxiib anigaa Kujecel ee ay qaado Deeqa Afro iyo heeso kale oo aad u macaan.

Hadaba wareysigaa oo ah midkii ugu horeeyey ee laga qaado Abwaanka ay dhageystayaasha Idaacada su’aalo ku weydiinayeen iyagoo usoo marinayey Number ka gaaban  SMS ka 422.

Hoos ka dhageyso wareysiga oo Dhan.

Riix Halkaan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil