Sports Warar Wararka

MUQDISHO: Degmada Dharkenleey Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Koobka Degmooyinka G/Banaadir

RADIO DANAN: Waxa Maanta garoonka Jaamacadaha ee D/Hodan ee Gobolka Banaadir ka dhacay ciyaar xiisa badneed oo u dhaxeysay degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir iyo Degmada Helwaa ee Gobolka Banaadir.

Kulankan oo ka tirsanaa koobka degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka xiisa badnaa kuwii hore waxaana ku xirnayd natiijada Degmada Dharkenley oo hadii laga badin lahaa ama ay bar bardhac geli lahayd iskaga hari lahayd koobkan.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar dar leh waxaana degmada Dharkenleey ay garoonka keentay xidigaheeda ugu adag waxaana u suurta gashay in ay degmada Dharkenleey in ay ku hormaraan 2 Gool kuwaa oo mid kamid ah ay ka heleen Kabtankooda Haaruun Cabdi Sataar Muxidiin waxaana qeybtii hore ciyaarta lagu kala maray 2 gool oo ay lahayd degmada Dharkenleey.

Markii dib laysugu soo noqday waxa u suurta gashay degmada dharkrnleey in ay gool kale helaan markii loo dhigay rigoore waxaana u saxiixay isla kabtankooda Haaruun.

Hayeeshee ciyaarta ayaa isbedeshay markii hal gool laga dhaliyay degmada Dharkenleey waxaana ka sii danbeysay Calaamada Gaduudan ama roosaha oo uu qaatay xidiga numberka 15 aad ee degmada dharkenleey taas oo ka dhigtay in ay degmadu ku cayaarto 9 ciyaaryahan.

Daqiiqadihii ugu danbeeyey Ciyaarta ayaa la qal qal geliyay degmada Dharkenleey waxaana laga dhaliyay gool labaad wixii intaasi ka danbeeyey waxa weerar dhan walba ah lagu qaaday Degmada dharkenleey hayeeshee ciyaarta ayaa sidaasi ku dhamaatay waxaana labada degmo ay u soo gudbeen wareegyada xiga ee koobka.

W/Q: Alifoow Yare
E-Mail: Dananfm@gmail.com.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil