Sports Warar Wararka

MUQDISHO: Kulamo Katirsan Koobka Degmooyinka G/Banaadir Oo Galabta La Cayaarayo

RADIO DANAN: Waxa weli si habsami leh garoomada kubadda Cagta ee Koonis iyo Jaamacadaha si toos ah uga soconaaya koobka degmooyinka gobolka Banaadir kaas oo ka xiisa badan kuwii hore.

Galabta ayaa la filayaa in kulanka ugu xiisaha badan uu ka dhaco garoonka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho halka kulan kale oo xiisa leh uu ka dhici doono garoonka Koonis ee D/Cabdi Casii ee G/Banaadir.

Kulanka ka dhici doono garoonka Jaamacadaha ee Degmada Hodan ee G/banaadir ayaa u dhaxeeya degmooyinka Dharkenley vs Helwaa.

Waa kulankii ugu danbeeyay ee heerka Guruubyada ee degmooyinka waxaana degmada Dharkenley ay halis ugu jirtaa in ay ka harto koobka hadii ay galabta badin weyso.

Kulanka labaad ayaa ka dhici doona garoonka Koonis ee D/ C/Casii waxa uuna u dhaxeeyaa degmooyinka
Xamar weyne Vs Hoolwadaag.

Natiijada Kulamadan kala soco Radiodanan.net.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil