Warar Wararka

Akhriso: Muqtaar Rooboow Oo Dowladda Isku Dhiibay

RADIO DANAN: Sida aynu ku heleyno warar lagu kalsoonyahay oo soo gaaraya warqabadka Idaacadda Danan ayaa sheegaya in wadaadka lagu magacaabo muqtaar Rooboow Abuu Mansuur uu isku soo dhiibay Diwladda federaalka soomaaliya.

Muqtaar rooboow ayaa horey uga tirsanaa dagaalyanada Alshabaab waxa uuna go’ansaday in uu isaga haro fikradooda wixii intaa ka danbeeyana heshiis uu la galay doadda Mareykanka ayaa looga saaray liiskii argagaxisada dowladda Mareykanka.

Wixii intaa ka danbeeyay waxa uu ku noolaa meel tuula ah oo ka tirsan gobolka Bakool halkaas oo ay kusoo weerareen Xarakada Alshabaab maalmo kahor.

Shalay ayuu gurmad ka helay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka koonfur galbeed Soomaaliya waxaana xigtay wararka hadda soo dhacaya ee sheegaya in uu isku dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha kala soco Radiodanan.net.

E-Mail: Dananfm@gmail.com.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com