Warar Wararka

MUQDISHO: Gudomiye Rowdo Oo Ballan Qaad Sameysay

RADIO DANAN: Gudoomiyaha degmada waaberi ee gobolka Banaadir Mss Rowda Colaad ayaa ballan qaaday in ay wax badan ka badeli doonto bilicda degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir oo ay gudoomiye katahay.

Gudoomiyaha Degmada Waaberi ee Gobolka Banadir Mss Rowda Colaad ayaa sheegtay in nadaafadda degmada ay aad u liidatay intii aysan iyadu xilka qaban hadana ay wax badan iska badeshay nadaafada degmada ayna ku howlanyihiin sidii ay usii wadi lahaayeen maamulka degmada ololaha lagu soo nooleynayo nadaafada degmada.

Rowda Colaad gudoomiyaha degmada waaberi ayaa in dhawaaleb olole nadaafadeed oo ay horboodeysay ka bilowday qeybo kamid ah degmada waaberi.

Rowdo colaad ayaa kamid ah tiro gudoomiyaal da’yar ah oo gudoomoyaal ka ah qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaa oo muujinaya karti dheeraad ah.

WQ: Alifoow Yare
E-Mail: Dananfm@gmail.com

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com