BAKOOL: Gurmad La Gaarsiiyay Muqtaar Rooboow Mansuur

0

RADIO DANAN: Maamulka konfur Galbeed Soomaaliya iyo Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo gurmad ah u diray wadaadka Alshabaab ka goosadka ee Muqtar Rooboow Mansuur.

Muqtaar Rooboow Mansuur ayaa todobaadkii tagay waxa dagaal jihooyin badan kaga yimid ku soo qaaday dagaalyahanada Alshabaab kuwaas oo horey ugu hanjabay wadaadkan fikradoodi ka baxay.

Gurmadka la gaarsiiyay Muqtaar Rooboow ayaa isugu jira gurmad ciidan iyo mid kaleba.

Xaalada Muqtaar rooboow ayaa hadda lagu soo waramayaa in ay wanaagsantahay oo uu caafimaad qabo maadaama maalmahan ay soo ifbaxayeen warar sheegaya in Abuu Mansuur dhaawac yahay.

NO COMMENTS