Warar Wararka

YEMEN: Tiro Dad Ah Oo Ku Dhintay Duqeymo Ay Fuliyeen Imaaraadka Carabta

RADIO DANAN: Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay kadib duqeyn ay diyaaradaha Imaaraadka carabta ay ka fuliyeen qeybo kamid ah dalka Yemen.

Duqeyntan ayaa ka dhacday meel 1,800 KM u jirta magaalada Sanca ee dalkaasi Yemen halkaas oo ay ku badanyihiin xuutiyiinta dalkaasi Yemen.

Dadka jimcihii ku dhintay duqaynta ayaa la sheegay in ay dhamaantood ahaayeen dad shacab ah hayeeshee ay dowladda imaaraadka sheegtay in ay beegsatay qaar kamid ah mucaaradka.

Isbahaysiga uu horkacayo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si joogta ah duqeymo dhanka cirka ah uga fuliya gudaha dalkaasi Yemen.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil