Warar Wararka

MUQDISHO: Maalinta Dhalinyarada Aduunka Oo Maanta Loo Dabaal Degayo

RADIO DANAN: Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabka Magaalada Muqdisho ayaa maanta u dabaal degayo munaasabadda maalinka dhalinyarada aduunka oo ku beegan 12 agust oo maanta ah.

Munaasabad hordhac ah oo loogu dabaal degayo maalinka dhalinyarada aduunka ayaa gabaldhicii shalay ka dhacday garoon kamid ah garoomada Magaalada Muqdisho oo ay ka qayb galeen Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu horeeyo Ra’iisul wasaare Kheryre, Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Thaabibit Cabdi Maxamed, Wasiirka Dhalinyarada Iyo Isboortiga Marwo Khadiija Maxamed diiriye iyo mas’uuliyiin kae.

Wasiirka amniga, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga ayaa dhamaantood ugu hambalyeeyey dhalinyarada Soomaaliyeed maalinka dhalinyarada Aduunka.

W/Q: Alifoow Yare
E-Mail: DananFm@gmail.com.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil