YEMEN: Soomaali Si Ku Tala Gal Ah Badda Loogu Daadiyay

0

RADIO DANAN: Wargeyska Indepemdent ee ka soo baxa gudaha dalkaasi Ingiriiska oo soo xiganaya rportka hey’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa sheegtay In ciidamada ilaalada badaha dalkaasi Yemen ay si ula kac ah badda ugu daadiyeen muhaajriin Afrikaan ah.

Muhaajiriintan oo tiradooda lagu sheegay in ay ka badnaayeen 50 qof ayaa la sheegay in ay ka soo kala jeedaan wadamada Soomaaliya, Jabuuti, Ethiopia, Soth sudan iyo Eretrea.
Sidoo kale wargeyska ayaa sheegay in badi dadkii badda lagu daadiyay ay bad baadeen islamarkaaana ay u badnaayeen dad Soomaali ah.
Hey’add UNHCR ayaa sheegtay in ay godob ka galeen muhaajiriinta ciidamada Ilaalada badaha dalkaasi Yemen waxaana ay dacwad ugu gudbiyeen Qaramada midoobe si ay dowladda yemen ugala xisaabtamaan talaabada arxan darada ee ay ku dhaqaaqeen ciidamadooda.

Muhaajiriirnta ayaa la aamisnsanyahay in ay kusii socdeen wadamada Sacuddiga iyo Sudan oo ay rabeen in ay kasoo galaan dhanka Yemen.

Sanadkan gudihiis ayay ahayd markii tiro badan oo muhaajiriinn Soomaali ah duqeyn lagu laayay qeybo kamid ah xeebaha dalkaasi Yemen mana jirto ilaa hadda cadeemo sax ah oo ku aadan cidii sida saxda uga danbeysay duqeyntaasi.

Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Dibadiisa ayaa badi waxa soo wajaha waxyeelo iyo xadgudubyo loogu geysto wadamada Caalamka waxaana jirin cid u damqata oo si dhab ah ula xisaabtanta.

W/T: Alifoow Yare
E-Mail: DananFm@gmail.com

NO COMMENTS