Audio Warar Wararka

MARKO: Yariisoow Oo Eedeyn kulul U Jeediyay Rag Uu Sheegay In Ay Yihiin Caada Qaatayaal

RADIO DANAN: Gudoomiyaha Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cismaan Yariisow oo la hadlay Danan ayaa sheegay in shalay iyo Maanta Shacabka Gobolka Shabeelaha Hoose ay aad u gadoodsan yihiin kadib markii Hadalo ay ka xumadeen Shacabka Gobolka Shabeelaha Hoose ay ka soo yereen Xildhibaano iyo Wasiirro la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya kuwaas oo uu ku sheegay in ay ka soo jedaan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiye Yariisow ayaa ku taagsaday in Hadalka ka soo yeeray Masuuliyntaas uu kicinaayo Shacabka GobolkaShabeelaha Hoose ,islamarkaana aan loo baahneen,waxa uuna uu carabka uu ku dhuftay in Shacabka Gobolka Shabeelaha Hoose ay tageersan yihiin Dowlada Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale Gudoomiye Yariisow ayaa ugu baaqay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed Farmaajo iyo R/Wasaare Kheyre in ay wax ka qabtaan Masuliiyiinta ka tirsan Dowlada ee Dhibaatada ka wada Gobolka Shabeelaha Hoose had iyo jeer,waxa uuna Gudoomiyaha Dhibaatada ugu badan ee ka dhacda Gobolka Shabeelaha Hoose dusha uu ugu tuuray Dowladii Xasan Sheekh iyo Xildhibaanadii Dowladaas markaas ka tirsana.

Sidoo kale Gudoomiye Maxamed Cismaan Yariisow oo hadalkiisa siwata ayaa tibaaxay in Shacabka Gobolka Shabeelaha Hoose sidoo kale Dhibaato ay kala Kulmayaan Al-shabaab,islamarkaana Madaxweyne Farmaajo la donayo in arimahaas heysta Shacabka Gobolka Shabeelaha wax laga qabto sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaate Hadalka ka soo yeeray Gudoomiye Yariisow ayaa waxa uu imaanaya Xili Gobolka Shabeelaha Hoose Shacabka ku Nool ay ka qabanayaan Dhibaatada ay ku hayaan Al-shabaab,islamarkaana ay Dowlada Dhexe ugu baqeen in ay wax ka qabto arimahaas Laakin Masuuliyiinta Dowlada ee la rabay in ay wax ka qabtaan ay dhagaha ka fareesteen hadaladaas.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil