Audio Warar Wararka

BAKOOL: Isgaarsiinta Oo Hawada Laga Saaray Iyo Muqtaar Rooboow Oo……

RADIO DANAN: Waxa hawada laga saaray guud ahaan isgaarsiintii gobolka Bakool kadib dagaal xoogan oo u dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidamo taabacsan Muqtaar Rooboow oo halkaasi ka dhacay.

Mid kamid ah dadka ku nool gobolada ku teedsan gobolka Bakool Oo La soo xiriiray Idaacadda Danan Islamarkaana sababo amni darteed u codsaday in Magaciisa la qariy0o codkiisana aan loo isticmaalin warbaahinta ayaa inoo xaqiijiyay in Al-shabaab laga saaray guud ahaan gobolka Bakool islamarkaana ay la kulmeen jab weyn.

sidoo kale Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa ciidamo iyo hub dheeraad ah iyo gurmad dhan walba gaarsiiyay Muqtaar Roobow Abuu Mansuur sida aynu ku heleyno warar hoose oo lagu kalsoonyahay.

wixii ku soo kordha dagaaladaasi kala soco Radiodanan.net.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com