Warar Wararka

SOMALIA: Abaaro Ka Jira Qeybo Kamid Gobolada Dalka

RADIO DANAN: Sida aynu ku heleyno wararka naga soo gaaraya tuulada Aato ee gobolka Bakool waxa ay sheegayaan in ay dib ugu soo noqdeen abaaraha.

Xoolo dhaqatada ku nool gobolka Bakool ayaa la sheegayaa in ay la ildaranyihiin abaar la sheegay in ay galaafsatay xoolahooda.

qof kamid ah dadka ku nool deegaanka Aato ee Gobolka Bakool oo la hadlay Idaacadda Danan ayaa u xaqiijiyay in ay abaartu jirto islamarkaana aysan hjirin wax gar gaar ah oo la soo gaarsiiyay.

Badi gobolada dalka waxa weli ka taagan abaar galaafsatay dadka iyo duunyada waxaana aad u yaraaday gar gaarkii la gaarsiin jiray.

E-mail: DananFm@gmail.com

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil