MUQDISHO: Baaritaano Xoogan Oo Ka Socda Wadooyinka Waaweyn

0

RADIO DANAN: Baaritaano xoogan oo lagu sugayo ammaanka Muqdisho ayaa saakay ka socda wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah wariyaasha Idaacadda Danan oo saakay soo maray wadooyinka waaweyn ee Muqdisho ayaa sheegay indhahooda ku arkeen ciidamaa xasilinta amniga Muqdisho oo hal hal u baaraya gawaarida dadweynaha iyo kuwa raaxada.

Howlgallada lagu baarayo gawaarida ayaa qeyb ka ah howlgalka ciidamada xasilinta amniga muqdisho ee lagu sugayo ammaanka guud ahaan magaalada Muqdisho.

NO COMMENTS