Sports Warar Wararka

MUQDISHO: Kulamo Ka Tirsan Tartanka Degmooyinka G/Banaadir Oo Maanta Dhacaya

RADIO DANAN: Waxa weli Magaalada Muqdisho gaar ahaan garoomada Kooni iyo Jaamacadaha si habsami leh uga soconaaya tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah mid ka xiisa badan kuwii hore.

Tartanka ayaa bilowday Afartii bishan waxana ka qeyb galaya tartanka 17 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Galabta waxa la cayaaray kulan xiisa leh oo goor dhow soo gaba gaboobay kaas oo u dhaxeeyay degmooyinka Shibis iyo Shangaani.

ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2 iyo 0 oo ay ku badisay degmada Shibis sida hoos ka Muuqata.
Shibis 2:0 Shangaani

Dhanka kale waxa hadda si toos ah u socda kulan ka xiisa badan kii soo gaba gaboobay oo u dhaxeeya degmooyinka Dharkenleey iyo Howlwadaag iyada oo aan ilaa hadda wax gool ah layska dhalin.
Dharkenleey 0:0 Howl wadaag.

wixii ku soo kordha kulankan kala soco Radiodanan.net.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil