Sports

Real Madrid Oo Weli Baadi Goobeysa Edin Hazard

RADIO DANAN: Kooxda kubadda Cagta ee Real Madrid ayaa weli baadi goobeysa heerka Caalami ee xulka Belgium iyo kooxda Chelsea Edin Hazard.

Kooxda ayaa doonaysa in ay xidigan ku buuxiso booska laacibka reer Portugal Caristiano Ronaldo kaas oo ay macquul tahay in uu kooxda ka dhaqaaqo hadii laysku garan waayo in laxaliyo khilaafka kooxdiisa kala dhaxeeyo xidigan.

Hazard ayaa kamid ah xidigaha ugu waaweyn kooxda Chelsea ee ay ku tashato waxaana la ogeyn in ay kooxda ogalaan doonto in ay xidigu dirto.

Warar hoose oo laga helayo kooxda Madrid ayaa sheegaya in ay kooxdu qorsheenayso in ay 90 Milyan ku qarash gareyso xidiga.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil