Audio Warar Wararka

Dhagayso: DFS oo sheegtay in maqnaashaha Internetka ay u geysatay Khasaaro badan

RADIO DANAN: Wasiirka wasaaradda Boostada iyo igaarsiinta Mudane Cabdi Canshuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mudadii uu maqnaa internetka ay dowladdu khasaartay lacago farabadan sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ay wanaagsanaan lahayd in ay dowladdu ansixiso sharciga hagaya isgaarsiinta.

Wasiirka ayaa sheegay in khasaaraha soo gaaray dowladdu ay qeyb ka tahay sameyntii baasaboorada ee loo sameyn jiray muwaadiniinta uu hakad galay islamarkaana ay wadaan dadaalo ku aadan in ay ogaadaan khasaaraha dhabta ah ee uu geystay maqnaashaha Internetka.

Hoos ka dhagayso shirka jaraa’id.

Riix Halkaan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil