Warar Wararka

Daawo Sawirada Agoon laga farxiyay

Dhalan yaro ku nool dalka mareykanka ayaa waxay soo uruuriyeen lacag ay ugu taburuceen ilmaha waaladiintooda ay geeriyoodeen ee ku nool Muqdisho.

Waxaana ay u soo marsiiyeen Hay.ada Haro waxaana hay,ada iyana u wakiilatay qeebinta lacagtaas Radio Danan.
Waxaana nasiib uhelay oo lacagtaas qaatay 40 canug oo waaladiintooda ay siyaabo kala duwan ugeeriyoodeen.

Xarunta Warbaahinta Danan ayaana lagu gudoonsiiyay lacagta.

Agaasimaha Warbaahinta Danan Maxamed Deeq Barre Xaaji Cumar oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in qaabkii ay gu tala gashay Hay,ada Haro lacagtaas u baxday lana siiyay Dadkii ku haboonaa.

Mas,uul ka mid ah Hay,ada Haro oo lagu magacaabo cabdi qaadir oo isna goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in idaacada danan mahadcelin ka sokow lashaqeyn doonaan.

Ilmaha Agoonta ah ee laga farxiyay ayaa qofkiiba helay 600 oo shilinka soomaaliga ah oo u dhiganta $25 doolar qofkiiba.

Dhalan yarada soo aruurisay lacagtan ayaa waxay ka soo kala aruuriyeen gawaari ay dhaqeen iyo masaajidka Abuubakar Sidiiq ee ku yaala Minneaolis ee gobolka minnesota.

Ujeedka ayaa waxay ahayd si ay ugu farxiyaan ilmahan aqoonta ah

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil