Maqaalo Qormooyin Warar

Dhagayso: Faallo: Boqorkii Sheekada

Wiilka ay dhalinta xaafada ilaa maanta ay ka sheekeeyaan in badana ay iga dalbadeen in aan tariikhdiisa wax un aan ka qoro hase ahaatee Taraq dheelkii Ra`iisul wasaare Kheyre aan ku xusuustay.

Boqorkii sheekada ee wuxuu sheeko hadii aad beentaa tiraahdo ay markiiba badi dhalinta kaa hor imaaneysay intuusan hadal kahor.

Wiilkii busaarada ka adkaa ee aan la arag isagoo cataabaya kaftanka iyo halheyskiisuna ay jeclaayeen Dhalinta Xaafada, ahaana Geesi ay ku tashadaan kaasoo ahaa mid dhiiran oo aan halisaha ka baqan.

Wiilkii Kasha mooyaha ee Galeyda lagu tumo Mugdigii jiray markaa darteed tuugo hubeysan Qoriga Baasuuka uga dhigay iyadoo dhowr ciyaalka xaafada ay la socdaan Kashana ay u saran tahay Garabka sidaana ku baaciyey qoryaaleydii xaafada soo gashay Habeenkaa.

Sheekadii Ninkii Cagaarnaa ee Xamar soogalay wiilkii hindisay taasoo ilaa maanta dhalinta qaarkood xusuustaan qaar badan oo kamidana ay malaha isaga qasan tahay in ay aheyd Sheeko mala awaala iyo mid dhab ah iyadoo markaa aad u dhex qaatay sheekadaa xaafada hooyooyin badana guriga loogu geeyey.

Midkii madaalaha ahaa ee waqti kasta fahmada heyn jiray dabeecada uu ku kala wado dhamaan dhalinta ay aheyd mid uu u lahaa hibo Eebe dhamaana ay wada jeclaayeen iyadoo midkastaa kalsooni uu ku qabay.

Hadal hilista iyo hebelada doolka ah midkii aan u baahan jirin in war ka dhihistooda loogu kaalmeeyo hase ahaate jawaab Maad iyo Mug leh ku ridi jiray taasoo jiibinta qosolka ay halmar is qabsan jirtay.

Midkaan waligiis Taraqa Shan isku qorin ee aan hadana ciyaarta isagoo xiran waligii dhaafin tageerayaashiisa jidbeysan darteed iyadoo ciyaarta ay xaraarada uyeeli jirtay halheysyadiisa badnaa ee marba mid uu hindisi jiray badina ay adkeed in aad micnahooda fahanto taasoo aan ka xusuusto dhikiic iyo Naaneys bixntiisii dhalinta.

Wiilkii kartida iyo malaha Madowgiisa buuxay dartii magaciisa loo raaciyey Naaneysta Milatari ee kal adeegana lahaa kaasoo aad isleeyahay malaha Kumaandoosta waxba uma aqoon.

Midkii uu haleelay abarka isagoo jameecada Tabliiqa baxsan dhexna lugeynaya mid kamida Gobolada Soomaaliya nabarkaasoo dhaawiciisa uu jirka ku baahay waayeyna daaweyn taasoo sabab u noqotay in Shiikh Saciid uu dhulyaal uu noqdo xanuunkaa.

Midkii ay Ciyaal Taleex dal iyo dibad ay wali iska warsadaan sidii uu ku geeriyooday Boqorkii sheekada ee qalbiyadooda ku xardhan kaasoo aan nolosha usoo hanaqaadin xasiloonina haba yaraatee aan arag iyo waxbarasho uu markaa han sare iyo Himilooyin waaweyn uu ku gaari karo, kaasoo gogosha hooyadiis oo aad u duruufeysan aakhirkii Boqorkii Shekada uu ugu geeriyooday.
Waxaa qoray Maxamed Deeq Barre Xaaji Cumar(Fiyoore)

Hoos ka dhagayso Faalada.

Riix Halkaan

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil