Warar Wararka

DEG-DEG Mareykanka oo liiskii argagaxisada ka saaray Muqtaar Robow Abu Mansuur

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in liiskii madoowaa ee argagaxisada Caalamka ay ka Saartay hogaamiyihii hore ee kooxda Al-shabaab,
Warar hoose oo ay heshay Idaacadda Danan ayaa sheegaya in waaxda sirdoonka dalka mareykanka ay liiskii argagaxisada ka bixsay Muqtaar rooobow Abuu Mansuur, Wararka ayaa intsi raacinaya in Abuu Mansuur iyo Mareykanka ay wadahadallo yeesheen taasna ay ka danbeyso in liiska argagaxisada laga saaro, waxaana sidoo kale wararka qaar ay sheegayaan in laga yaabo macquul galna ay tahay in uu isa soo dhiibo hogaamiyihii hore ee kooxda Al-shabaab.

Abuu Mansuur oo aan la ogeyn halka uu ku suganyahay ayaan ilaa hadda ka hadlin warka kasoo yeeray Dowladda Mareykanka.

Waxaan la ogeyn sbabata ka danbeysa in ay mareykanka liiska argagaxisada ka saarto Muqtaar Robow Abu Mansuur hayeeshee dadka isha ku haya siyaasadda Mareykanka ayaa durba ku micmneeyey in uu jiro heshiis la qarinayo oo ay labada Dhinac kala saxiixdeen.

Muqtaar Abuu Mansuur ayaa horey u soo noqday hogaamiyihii Kooxda Al-shabaab waxaana marar badan la sheegay in uu khilaaf kala soo kala dhex galay isaga iyo Al-shabaab taas oo keentaya in uu ugu danbeyn duurku galo waxaana intaa wixii ka danbeeyay soo Ifbaxayay warar sheegay in uu Abuu Mansuur isku soo dhiibi doono Dowladda Federaalka Soomaaliya inkastoo markii danbe wax natiija ah ay ka dhalan weysay wararkaasi.

Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan sheegatay in ay miiska nabadda ugu yeereyso kooxda ka dagaalanta geeska Afrika taas oo soo dadaajin karta in dhinacyo badan oo ka tirsan Al-shabaab ay aqbalaan wadahadal ay la galaan DFS.

Hoery waxa Xarakada Al-shabaab sidan oo kale ugu soo goystay ninka cssnka ah ee Sheekh Xasan Daahir Aweys kaas oo waqtigan Xabsi guri ah ku qaadanaya gudaha dalka.

Si kastaba lama oga sababta ka danbeysa in Muqtaar Robow Abu Mansuur laga saaro liiska argagaxisada dalka Mareykanka. Wixii ku soo kordha kala Soco Radiodanan.net.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil