Warar Wararka

Milkiilaha aalada Facebooka oo si aad ah u amaanay Soomaalida ku nool Mareykanka

Sida ay bogagooda horey ku daabaceen wargeysyada ugu waaweyn dalkaasi mareykankan Milkiilaha aalada sida weyn ay bulshadu u isticmasho ninka lagu magacaabo Mark Zezer burk ayaa si weyn u amaanay Soomaalida ku nool guud ahaan dalka Mareykanka.

Mark zezer burk ayaa bartiisa Facebooka habeenkii xalay ahaa ku soo qoray erayo muujinaya Wanaaga uu u haayo Soomaalida ku nool dalkaasi mareykanka sidoo kale Milkiilaha aalada Facebooka ayaa sheegay in dadka Soomaalidu ay yihiin dad fur furan islamarkaana aad u kaftama bulshada la dhaqmi kara.
Murk Zuzer burk ayaa khamiistii magaalada Mniyaabulis ee Dalka Mareykan kula casheeyay Shamsa Axmed oo ah 23 jir Soomaali ah taas oo si weyn can ugaa ah aalada uu milkiyadda u leeyahay mark.

Badi Soomaalida ku nool dalkaasi mareykanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay talaabadii mark waxaana baraha bulshada qabsatay maalmihii tagaty ka sheekayta casha sharaftii uu mark la qaatay shamsa waxaana kumanaan soomaali ah ay sharte gareeyeen postigii mark uu ka soo dhigay vidowgii cashdii uu la qaatay shamsa.

Waa dad aad u wanaagsan Soomaalidu 100% waa dad aan ka muuqan cuqdad iyo naceyb gooni ah run ahaantoiii waa dad kaftanka jecel anigu waqtio ayaan siiyaa in aan daawado filimaanta Soomaalida xitaa waan jeclahay luqadooda wuxuu ahaa kulan aan ilaabi dooni oo aan la qaatay Shamsa waxaana taasi ay ka turjumaysaa Wanaaga ay leeyihiin intya Soomaalida ayuu aaladiisa Facebooka ku soo qoray milkiilaha maalqabeenka ee u dhashay dalkaasi Mareykanka.
Mark ayaa sidoo kale horaantii sanadkii 2010 sheegay in muuqaalada xun xun aan aaladiisu ogolayn taas oo uu sheegay sababna uga dhigay codsikayimid daka Muslimiinta oo uu sheegay in ay qeyb ka tahay Soomaalida.

Mark Zuzer burk ayaa ah shaqsiga leh aalada sida weyn ay soomaalidu u isticmaasho ee Facebooka waxaana kulanka uu mark la qaatay ay sawir fiican u noqon doontaa xiriirka u dhaxeeya milkiilaha Aaladaasi iyo soomaalida ku nool daafaha caalamka.

Dhigeeda Shamsa oo ah gabar can ku ah isticmaalka aaladaasi ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay kulanka ay la qaadataya Marka ayana sheegtay in ay iyadu casuumaad ka heshay mark zuzer bag islamarkaana ay aqbashay.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil