Dhagayso: Wasiirka Amniga DFS oo ka hadlay howlgallada Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho

0
1

RADIO DANAN: wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Mudane Mxamed Abuukar Isloow (Ducaalle) oo la hadlay bahda saxaafadda ayaa ugu hreyn hambalyo u diray CiidamadaXasilinta Amniga Muqdisho iyo howsha wanaagsan ee ay u hayaan shacabka Magaaalada Muqdsiho.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay xirnaashaha wadooyinka Magaalada Muqdisho isaga oo sheegay in taasi ay ku jirto sugidda amniga Magaalada Muqdisho waxa uuna intaasi raaciyay in ay shacabka u dulqaataan xirnaasha jid cadayaasha oo uu sheegay in ay halis ku yihiin habacsanaan dhanka Amniga oo muqdisho markale ay wajahdo.

Wasiirka ayaa ugu danbaystii sheegay in ay goor dhow furi doonaan wadooyinka xiran shacabkana loo baahanyahay in ay dulqaadtaan maadaama dantooda laga shaqeenayo.

Hoos ka dhageyso khudbadda Wasiirka.

Riix Halkaan

NO COMMENTS